Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War Deg Deg Ah: Qaraxyo xoogan oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Sadax qarax oo is xig xiga oo aad u xoogan walina la ogeyn waxyaabaha loo adeegsaday ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel lagu qiyaasay laamiga Maka Al Mukarama.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwa xoogan oo daqiiqado kala dambeeyay, waxaana uuro iyo qaac badan laga arkayaa agagaarka Isgooska KM-4 gaar ahaan meel u dhaw Hotelka Saxafi iyo Xarunta CID-da.

Wali lama oga qaraxyadan xoogan ee dhacay halka rasmiga ah ee lala eegtay iyo waxyaabaha loo adeegsaday, waxaana rasaas goos goos ah laga maqlayaa aaga halka ay qaraxyadu ka dhaceen.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo ka hortagay qorshe culus oo uu watay Farmaajo (Xog muhiim ah)

Caydiid Ali

Caronavirus oo kusii faafaya dalka Kenya iyo kiisas hor leh oo maanta la shaaciyay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Shacab ku mashquulsanaa diyaar garowga ciida oo qarax lagu laayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---