Dayuurada Ethiopian Airways oo saaka duulimaad caalami ah ka bilowday Muqdisho (Sawirro)

Markii ugu horreysay muddo 41 Sano ah ka dib waxaa soo caga dhigatay Gegida Dayuuradaha Muqdisho Dayuurad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airways.

Garoonka Dayuuradaha Muqdisho waxaa ka dhacay munaasabad kooban oo lagu soo dhoweynayo duulimaadka caalamiga ah ee Ethiopian Airways ay ka bilowday Muqdisho.

Waxaa munaasabaddan goob-joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda.

Dayuuradda Ethiopian Airways ayaa Garoonka Aaden cadde ka dejisay rakaab Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Ethiopia kuwaasoo nasiib u yeeshay duulimaadkii ugu horeeyer ee shirkadaas.

Ethiopian Airways ayaa noqoneysa shirkii labaad ee duulimaad caalami ah ka bilowda garoonka Aadan cadde todobaad walba, waxaana ka horeeyey shirkadda Turkish Airlines oo laga leeyahay dalka turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -