Dad ajaaniib ah oo lagu dilay duleedka Hargeysa & Booliska oo ka hadlay

Laba Ruux oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa geeriyootay halka laba kale ay dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyay duleedka Magaalada Hargeysa ee Somaliland.

 

Booliska ayaa sheegay in dadka dhintay oo u dhashay dalka Itoobiya ay ahaayeen tahriibayaal, hase yeeshee dhacadaasi weerarka ah ay la kulmeen.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomalailand Sareeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in rasaaseyntaasi ka dib ay sameeyeen howlgal ay kusoo qabteen dadkii ka dambeeyay dilka tahriibayasaha u dhashay Itoobiya.

Waxa uu sheegay in raga weerarka geystay ay galeen guri aan ka fogeyn halka ay weerarka ka geysteen, isla markaana ay gurigaas kasoo qabteen saddex nin oo falkaasi ka dambeeyay & Khamri fara badan.

Taliyaha  ayaa intaas ku daray iney baarayaan sababta ay dableyda rasaasta ugu fureen gaarigan ay wateen dadkan ajaaniibta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -