Nin isaga oo 19-sano jir ah galay Dambi dagaal oo xukun adag lagu riday

Maxkamadda sare ee  dalka Rwanda, ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Jean Claude Iyamuremye, oo lagu helay in uu galay dambi dagaal sidoo kale geestay  xasuuq  isaga oo 19-sano jir ahaa.

Jean Claude Iyamuremye, ayaa maxkamada sare ee dalka Rwanda ku heshay in uu galay dambi dagaal sidoo kale xasuuq u geestay dad badan oo kasoo jeeday qowmiyada Tutsiga oo dagaal kula jiray qowmiyada uu kasoo jeedo.

Ninkan oo xiliga uu dambiga dagaal galayay da’diisu aheyd 19-sano ayaa beeniyay in uu dambi dagaal galay , waxa uuna sheegay in wax xasuuq ah u geesan qowmiyada Tutsiga isaga oo sheegay in hooyadiis qabiilkaasi ay kasoo jeeday.

Garsoore katirsan maxkamada sare ee dalka Rwanda ayaa sheegay in Iyamuremye  lagu ridi lahaa xabsi daa’in, balse loogu qafiifiyey xukunkiisa maadaama uu ahaa qof yar markii uu galayey danbiga, uuna badbaadiyey qoysas u dhashey qabiilka Tutsi-ga.

Waxa uu sidoo kale garsooraha sheegay in ninkan iyo koox kale oo dagaalyahano ahaa ay laayeen dad badan oo kasoo jeeday qowmiyada Tutsiga ay ku jiraan qoysas badan oo daris la’ ahaa ninkan.

Ninkan xukunka xabsiga lagu riday ayaa 8-sano kahor laga soo xiray dalka Holland uu ka ahaa darawal u shaqeeya shaqaalaha safaaradaha Israel iyo Finland, waxaana maxkamadeynta ninkan socotay mudo sanado ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -