Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo goordhaw Shirweyne muhiim ah ka furay Muqsisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo sannadkii labaad lagu qabanayo dalka.

Shirweynaha Culimada oo ay ka qeyb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ,ayaa sanadkaan diiradda lagu saari doonaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed ,waxaana Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).

Shirkii culimada ee sanadkii hore ayaa lagu bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab  idoo kale Culimada ayaa isku raacay in dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta uu yahay Jihaad islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay Shahiid.

 

Related posts

Wararkii u dambeeyey qaraxii ka dhacay Istanbul iyo khasaaraha oo kordhay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Putin oo ka badbaaday isku day la doonayey in lagu qaarajiyo

Caydiid Ali

Wiil Dhallinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya cida dishay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---