Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab oo isa soo dhiibay (Sawirro)

Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta qeybo kamid ah Soomaaliya ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada booliiska maamulka Galmudug, kaddib xiriir uu sargaalkan lasoo sameeyay saraakiil iyo masuuliyiin katirdsan Galmudug.

Ninkan isa soo dhiibay oo lagu magacaabo Cabaas Amiin Xuseen ayaa ahaa madaxii maaliyada Al Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, waxa uuna ninkan isku dhiibay saraakiisha ciidanka booliiska saldhigga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu isaga soo baxo kooxdaasi, waxa uuna xusay in uu la kulmay dhibaatooyin badan intii uu Al Shabaab kamid ahaa, sidoo kale ogaaday waxa ay u dagaallamayaan kooxdan in aysan diin aheyn.

Saraakiil iyo dagaalyahanno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa siyaabo kala duwan isugu soo dhiibay ciidanka dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana saraakiisha iyo xubnaha kale ee isa soo dhiiba loo sameeyaa dhaqancelin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Muuqaal :Sida Quruxda Badan ee loo sagootiyay Madaxdii ku shirtay Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo goordhaw Muqdisho ku geeriyooday

Cabdi Cade

Wadamada Islaamka oo ka falceliyay Hadaladii gefka ahaa ee kasoo yeeray Emmanuel Macron

Cabdi Cade
Taboola Ads ---