Wararkii u dambeeyey qaraxii ka dhacay Istanbul iyo khasaaraha oo kordhay (Sawirro)

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay, 53 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii qarax ka dhacay waddo mashquul badan oo ku taalla bartamaha Istanbul, taasoo keentay in dadku ay ka cararaan qaraxa xooggan, sida uu sheegay guddoomiyaha magaalada.

Gaadiidka Ambalaasta ayaa ku yaacay goobta uu shilku ka dhacay oo ku yaala wadada Istiklal oo dadku ay buux dhaafiyeen, kuwaasoo boolisku ay si degdeg ah u xireen. Aaggaas oo ku yaalla degmada Beyoglu ee magaalada, ayaa waxaa si caadi ah u buux dhaafiyay dad u soo dukaameysanayay, dalxiisayaal iyo qoysas, sida ay sheegtay TRT iyo warbaahinta kale.

Wakaalada Anadolu oo ay leedahay dowladda ayaa sheegtay in qaraxa aan wali la ogeyn sababta ka dambeysay.

“Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah,” ayuu guddoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya ku yiri Twitter-ka, isagoo intaas ku daray in qaraxa uu dhacay abaare 4.20-kii galabnimo. waqtiga maxaliga ah (1320 GMT).

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku arkay fagaaraha Taksim ee u dhow diyaarad helicopter ah iyo dhowr ambalaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -