Muran ka dhashay sii deynta haweeney diinta islaamka u geftay oo ka taagan Pakistan

Dowlada Pakistan ayaa beenisay warar sheegaya in Aasia Bibi dalka ka dhooftay, Wasiirka warfaafinta ayaa isna waxa uu warfidiyeenka dalkaa ku eedeeyey in ay yihiin kuwo aan xil kas ahayn.

Wadaadada mayalka adag ayaa ka soo horjeestay sii daynta Aasia Bibi oo muddo u xirnayd in ay dhaleecaysay diinta Islaamka hase yeeshee markii dambe maxkamadda Sare ee Pakistan xukunkaas laashay oo amar ku bixisay in la sii daayo.

Ururro badan oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa u arka in ay tahay qof lagu qaaday xeerar ay ku tilmaameen kuwo qallafsan oo lagu qaado dadka lagu eedeeyo in ay ku gafaan diinta.

Waxa culays weyn ku ah xukuumadda cusub sidii ay haweenaydaan masiixiyadda ah nabadgelyadeeda u dammaanad qaadi lahayd, sidoo kalena ay waxa uga qaban lahayd mudaharaadyada rabshadaha wata ee lagaga soo horjeedo sii daynteeda ee todobaadyadii la soo dhaafay Pakistan oo dhan ku fiday.

Sharcigan adag ee dadka af-lagaadeeya diinta lagu qaadona dadka badankoodu aad bay u taageersanyihiin, hase yeeshee siyaasiyiinta mayalka adag ayaa badanaa ku baaqa in aan waxba laga bedelin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -