Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Gaadiidkii QM ee lagu xanibay Cadaado oo baaritaan lagu bilaabay (Daawo Sawirro)

Maamulka degmada Cadaado iyo ciidamada amniga ayaa baaritaan ku bilaabay gaadiidkii 3dii bishan lagu qabtay duleedka magaalada Cadaado ee ku socday Dhuusamareeb

Gaadiidkan ayaa u rarnaa Qaramada Midoobay,  waxaana baaritaanka lagu bilaabay Shalay gelinkii dambe, iyadoo la furay shixnadihii saarnaa qaarkood.

Waxaa gaadiidka markii hore looga shakiyey inuu saarnaa hub u socday Xaaf balse markii la baaray waxaa lagu arkay silig iyo jawaanada ciida lagu shubo oo difaac ahaan loo dhigo xarumaha ciidamada iyo kuwa kale ee sida aadka ah loo ilaaliyo.

Qaramada Midoobey ayaa si weyn u cambaareysay tilaabadda lagu xayiray gaadiidka u rarnaa, waxaana ay ku tilmaamtay tilaabo ka baxsan Sharciga.

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xafiiskeeda Muqdisho ayaa si kulul u cambaareysay talaabada lagu xayiray gaadiidkii u rarnaa oo sidoo kale ay sheegeen in lagu rasaaseeyey duleedka magaalada Cadaado.

Maamulka degmada Cadaado ayaan weli go’aan ka gaarin sida laga yeelayo gaadiidkan, waxaana la filayaa iney saacadaha soo socda ka hadlaan marka baaritaanku dhamaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo boggaadiyay xildhibaannada labada Aqal baaq cusubna u diray

Cabdi Cade

Madaxweyne Geelle oo shir deg deg ah iskugu yeeray Madaxda dalalka IGAD (Akhriso)

Caydiid Ali

Nin lagu helay in uu ku lug lahaa Weerarkii Jaamacada Gaarisa oo Xabsi isku dhax dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---