Cabdi Max’uud Cumar oo maanta la soo taagayo Maxkamad ka sareysa tii hore

Xili shalay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ay amartay in markii shanaad xabsiga lagu hayo madaxweynihii hore ee dawlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in maanta maxkamad la horkeenayo mar kale.

Ma cadda sababta isbeddelkan degdega ah loo sameeyey, hase yeeshee maxkamaddan ayaa la sheegayaa inay ka duwanaan doonto darajo ahaan tii la geeyey afartii jeer ee hore sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Waxay kaloo wararku sheegayaan in maxkamadan ay kaga duwanaanayso qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore soo xaadirin.

Markhaatiyaal ayaa sidoo kale la sheegay in la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar oo loo heysto dembiyo ay ka mid yihiin ku takri fal awoodeed, xad gudub dhinaca xuquuqda aadanaha iyo  kiisas kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -