Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo boggaadiyay xildhibaannada labada Aqal baaq cusubna u diray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen Labada Guddi ee dib u eegsita Dastuurka.

Madaxweynaha oo ah Ilaaliyaha mabaadi’da aasaasiga ah ee daatuurka ayaa tilmaamay in Dastuurkan uu ku saleysan yahay Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed dhammeystirka Dastuurka.

“Maanta waa maalin taariikhi oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada soosocday. Dhammeystirka Dastuurka waxa uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo Hay’adaha dowladnimada, waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanna Labada Aqal in ay sii amba-qaadaan turxaan-bixinta, toosinta iyo dhammeystirka cutubyada dhiman ee Dastuurka”.

Related posts

Soomaaliya iyo Uganda oo iska kaashanaya afar dhinac oo labada dal Muhiim u ah

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo soo bandhigay xalka kaliya ee lagu yareen karo barakaca dadka (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlad dalkeeda ka mamnuucday dadka ka yimaada Maraykanka Israel & dalal kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---