Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo Dhagax-dhigay xarun degmo oo si casri ah loo dhisayo (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saakay dhagax-dhigay xarunta degmada Xamarweyne oo lagu sameenayo dib u dhis iyo casriyeyn.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay horumarinta xarumaha loogu adeego bulshada, isaga oo xusay in casriyeynta lagu sameenayo dhismaha xarunta degmada Xamarweyne ay qeyb ka tahay ka dhabeynta qorshaha degmo tusaale ah.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaafdir in xarunta degmada Xamarweyne ay tahay mid fac weyn oo sannado badan lagu soo shaqeeyay, waxa uuna tilmaamay in xarunta hadda loo dhisi doono qaab casri ah looguna adeegi doono bulshada degmada.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeeno katirsan maamulka gobolka Banaadir, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maamulka degmada Xamarweyne, agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada degmada Xamarweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad dastuuri ah oo soo saartay go’aan farxad geliyey Muslimiinta dalka Koonfur Afrika

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo war kasoo saaray Dilkii loo geestay Xildhibaan Aamina Maxamed

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Kenya & digniin la siiyey Warbaahinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---