Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Kenya & digniin la siiyey Warbaahinta

Shacabka Kenya ayaa maalintii afaraad ka war dhowraya natiijada doorashada madaxweynaha oo ay codaynteeda dhacday 9-kii bishan August.

Warbaahinta maxalliga ah oo natiijooyin kala duwan oo hordhac ah soo bandhigaya ayaa looga digay in ay ku dhawaaqaan qofka guulaystay, ilaa warka ugu dambeeya uu kasoo baxo hoggaanka guddiga doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xudduudaha ee Kenya (IEBC) ayaa uga digay warbaahinta inay shaaciso qofka ku guuleysta doorashada madaxtinnimada ka hor inta uusan ku dhawaaqin guddigiisa.

“Fadlan ha shaacinina inuu qof un guuleystay, annaga ayay shaqadeenna tahay in aan ku dhawaaqno guuleystaha,” ayuu yiri Wafula Chebukati oo ah guddoomiyaha Guddiga Doorashada.

“Howshu waa mid ku socota hannaan caad-yaal ah, waxaad booqan kartaa boggeenna internetka si aad u aragto una xaqiijiso xogta ku jirta,” ayuu yiri, isagoo ula jeeda bogga Guddiga Doorashada oo ah.

“Natiijooyinka ku jirta boggaas waa isla kuwa guddiga (doorashada) uu u isticmaalayo dhameystirka hannaankan,” ayuu raaciyay.

 

Related posts

Daawo Sawirada: Weerar lagu qaaday Hotelka Intercontinental ee kuyaala magaalada …

Cabdi Cade

Ben Fender oo gaaray Hargeysa lana kulmay Madaxweyne Biixi (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

SSC oo digniin culus u dirtay Maamulka Somaliland (War-Saxaafadeed)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---