Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Midowga Yurub oo war kasoo saaray Dilkii loo geestay Xildhibaan Aamina Maxamed

Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Baledweyne, kaa oo lagu dilay Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi iyo dad kale oo badan ay ku jiraan masuuliyiin hore.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelmann ayaa si kulul u cambaareesay weerarka lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed, waxa ayna xustay in ay ka xunyihiin falalka argagaxiso iyo kuwa siyaasadeysan.

“Midowga Yurub waxaa uu cambaareynayaa falalka Argagixisada iyo dilalka ku saleysan siyaasadda, tacsi ku socota Ehelada Xildhibaan Aamina”ayay ku tiri Tina Intelmann qoraal ay soo dhigtay barta Twitterka.

Dilka loo geestay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa aad loo tuhmayaa in siyaasad salka ku heyso, waxa ayna Xildhibaanadan la dilay isku taagtay cadaalad u helida Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo in ay ku baxday gacanta Hay’adda Nabad Sugida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo ka carootay talaabo ay qaaday dowlada Somalia & Booliska DF oo..

Caydiid Ali

Xog: Khilaaf ka dhex-qarxay Shiikh Shariif iyo xubnaha kale ee Midowga Musharaxiinta

Caydiid Ali

Pakistan oo Ogaatay Qorshe Halis ah oo dowlada Hindiya Dalkeeda la damacsan tahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---