Maxkamad dastuuri ah oo soo saartay go’aan farxad geliyey Muslimiinta dalka Koonfur Afrika

Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxay xukuumadda dalkaasi fartay inay si rasmi ah u aqoonsato guurka Muslimiinta oo aan horey looga aqoonsanayn dalkaasi.

Xukunkan ay maxkamaddu soo saartay ayaa lagu sheegtay in haweenka Muslimiinta ahi aanay lahayn xuquuq la mid ahi tan dumarka kale ee lagu guursado xeerka madaniga ah ee dalkaasi Koonfur Afrika, gaar ahaanna arrimaha la xidhiidha wax ka helidda hantida qoyska iyo in ay xaq u yeeshaan in ay ubadkooda qaadan karaan hadii furriin yimaado.

Amarkani waxa kale oo uu xukuumadda farayaa in ay muddo afar iyo labaatan bilood ah kaga la tashato xeerka guurka shareecada Islaamka bulshada muslimka ah ee dalkaasi.

Xukunka maxkamadda ayaa faa’iido balaaran u u leh muslimiinta dalka Koonfur Afrika oo boqolaal kun lagu qiyaaso sida uu sheegay Sheekh Axmed Maxamuud Cabdi (Sheekh Axmed Dheere) oo jooga magaalada Johannesburg, isagoo intaa ku daray iney heli doonaan xuquuq badan oo ka maqneyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -