Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho & Xildhibaan ku dhintay (Daawo Sawirro)

War goor dhow ku soo dhacay warqabadka allbanaadir online ayaa sheegaya in qarax Xoogan uu ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn xarunta Madaxtooyada Somalia.

Sida warku sheegayo gaari qarax lagu soo xiray ayaa ku qarxay agagaarka xarunta bankiga IBS oo ku yaalla meel ku dhow halka loo yaqaano beera Nabada.

Warka ayaa intaas ku daraya in gaariga qarxay uu  ka kacay dab aad u xoogan oo khasaare u geystay maqaayad halkaas ku taalla oo la yiraahdo London gate.

Qaac fara badan iyo uuro ayaa cirka isku shareertay kuwaasoo ka dhashay holaca ka baxaya dabka qabsaday gaariga qarxay ciidamada  amniga ayaana goobtaas gaaray oo xiray.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabele oo la yiraahdo C/wali Maxamed Ibraahim ayaa la sheegay inuu lahaa gaariga, waxayna wararku sheegayaan inuu ku dhintay qaraxa ka dib markii ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cumar Filish oo dhagax dhigay waddo muhiim ah oo isku xirta Labo degmo (Sawirro)

Caydiid Ali

Federaalka Soomaaliya Ma Ku Badbaadi Doonaa Dadaalka Gudoomiye Cabdi Xaashi ?

Cabdi Cade

Somaliland oo amaro adag kusoo rogtay Musharaxiinta ku guuleestay Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---