Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cumar Filish oo dhagax dhigay waddo muhiim ah oo isku xirta Labo degmo (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maanta dhagax dhigay Wadada Jaalle Siyaad oo Xiriirisa Isgoysyada korontada iyo Xoosh ee dhexmarta degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley taasoo dhererkeedu gaarayo illaa 4km.

Wadadan oo ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ayaa sii marta meelo ay ka mid yihiin Suuqa weyn ee Wadajir, Macmacaanka, Tabakaayo madow, Nuur aduunyo iyo saldhiga Booliska galbeed.

Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa kula dardaarmay shacabka Degmooyinka Wadjir iyo Dharkeynley inay ka qeyb qaataan dhismaha Wadada oo aan helin dayactir 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo amar dhanka amaanka ah bixiyay iyo Sababta loo ceyriyay Haweeney u shaqaysa …

admin

Boqor Salmaan oo lagu sameeyay qaliin iyo Boqortooyada Sacuudiga oo War kasoo saartay

Cabdi Cade

Wadaado Subac Akhrinayay oo Saalay lagu laayay Degmada Cadalle (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---