Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday dalka Maraykanka (Daawo Sawirro)

Mas’uuliyiinta gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in 12 qof ay ku dhinteen toogasho ka dhacday baar lagu caweeyo.

Kabtan Garo Kuredjian oo ka tirsan booliska Ventura County ayaa weriyayaasha u sheegay in dadka dhintayuu ku jiro mid ka mid ah ku xigeenadiisa.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in ninka toogashada fuliyey lagu dhex dilay baarka.

Kuredjian ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay ku baxeen baarka Borderline Bar & Grill ee magaalada Thousand Oaks, oo 40 mile galbeed ka xigta magaalada Los Angeles, kadib markii ay maqleen in toogasho ay ka billaabantay baarka.

Dhowr iyo toban qof oo kale ayaa lagu warramay inay toogashada ku dhaawacmeen, mana jirto wax akhbaar ah oo laga helayo xaaladdooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -