Turkiga oo War cusub ka soo saaray halka uu ku dambeeyey Meydka Jamal Kashoqgi

Iyadoo heer gebogebo ah uu marayo baaritaanka kiiska saxafiga Sacuudiga ee Jamal kashoqgi oo 2-dii Bishii Oktoobar lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ayaa dowlada Turkiga waxay sheegtay in meydkiisa gebi ahaan la baabi’iyey.

Sida uu sheegay Mas’uul ka tirsan Xeer ilaalinta Turkiga Jirka Saxafiga oo la jarjaray laguna xiray boorsooyin ayaa la geeyay Guriga Qunsulka Sacuudiga ee Istanbuul Maxamed Alcuteybi oo u dhow xarunta Qunsuliyadda Turkiga ee Istanbul, halkaas oo looga takhalusay.

Warka ayaa sheegaya in jirka saxafiga loo adeegsaday si loo baabi’iyo maado kiimiko ah oo loo yaqaan (Hydrofluoric acid- Flesh-Eating Acid), oo ah maado kiimiko halis ah oo jirka baabi’in karta, waxaana baaritaan lagu sameeyay Guriga Qunsulka, Ceel ku yaalla Gurigaasi iyo bullaacadaha degaankaasi ay baarayasha Turkiga ku ogaadeen qaabka loo baab’iyey jirka meydka Saxafiga oo muddo bil ka badan la la’aa.

Sacuudiga ayaa kooxo baaritaan oo kala duwan u diray Turkiga, kuwaasoo lagu sheegay inay baaritaanka dilka saxafiga Jamal Kashoqgi ka qeyb qaadanayaan iyagoo markii danbe la ogaaday in laba qof oo ka mida kooxda baarista Sacuudiga ay ahaayeen Khabiiro dhinaca Kiimikada ah oo halkaasi loogu diray inay baabi’iyaan meydka Saxafiga iyo jirkiisa qeybaga ka haray.

Arrintan ayaa noqoneysa mid naxdin kale ku soo kordhisa kiiska dilka Jamal Kashoqgi oo hore dunida ay uga yaabtay sida naxariis darrada ah ee dilkiisu u dhacay, waxayna horseedi doontaa cadaadis hor leh oo ku yimaada dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman oo la sheegay inuu bixiyey amarka dilka Saxafiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -