Maxaa loo aamini la’yahay oo loo xiray Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur?

Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saartay shalay markii la xiray Muktaar roobow, waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.

Roobow oo horay u ahaan jiray hogaamiyaha labaad ee ugu sarreeya ururka Al Shabaab ayey mas’uuliyiinta xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyeen in hub iyo ciidan isaga u gaar ah la tagay magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu damacsanaa inuu uga qeyb galo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Dad badan waxay is weydiinayaan waxa uu xarigiisa ka baddali karo hannaanka doorashadaas, inkastoo dowladda Soomaaliya ay markii horeba ka hor istaagtay inuu isa soo sharraxo.

Horay waxa uu Mukhtaar Rooboow, oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Mansuur dhaleeceyn kala kulmayay dadkii ku dhaliilsanaa falalkii ay geysatay kooxda Al Shabaab ee uu dhowr sano af hayeenka u ahaa.

Hase ahaatee waxaa jira dad kale oo la dhacsanaa isbaddalkiisa iyo isku dayga uu ku raadinayay kursiga siyaasadeed.

Tan iyo Markii la xiray shalay, magaalada Baydhabo waxaa ka socday qalalaase iyo mudaharaadyo ay sameynayeen dad ka gadoodsan tallaabadii ay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom gacanta ugu dhigeen, xilli uu ku sugnaa magaaladaasi.

 

Qaar ka mid ah weerarradii ay Al-Shabaab fulisay intii uu af hayeenka u ahaa Mukhtaar Roobow

Mukhtaar Rooboow, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaashii ururkii maxkamadama Islaamiga ee billowday sannadkii 2001-dii, isagoo markii dambena hor boodayay dadaalladii ay cagaha isugu taagtay kooxda Al Shabaab sannadkii 2006-dii.

Ilaa sannadkii 2013-kii, waxa uu Mukhtaar Roobow ahaa Hogaamiyaha labaad ee Al Shabaab iyo Af hayeenka kooxda, ka hor inta uusan khilaaf soo kala dhex galin hoggaanka sare ee kooxda.

Waxaa wakhtigii uu mas’uuliyiinta Al Shabaab ka tirsanaa lagu xasuustaa weerarro badan oo ka dhacay Soomaaliya iyo meelo kaleba.

22-kii bishii Febraayo ee sannadkii 2009-kii , kooxda Al Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku qaadday saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socday dalka Burundi ayaa halkaas lagu dilay.

Bishii Meey ee isla sannadkaas, Kooxda Al Shabaab oo garab ka heleysay ururkii mar la safnaa ee xisbul Islaam ayaa weerarro culus ka fulisay magaalada Muqdisho, waxaana ay isku dayeysay iney la wareegto gacan ku heynta magaalada caasimadda ah.

Boqolaal ruux oo rayid u badan ayaa ku dhintay weerarradaasi. 18-kii bishii Juun ee sannadkii 2009-kii, Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ka dhacay magaalada Baladweyne, halkaasoo ay ku dhinteen 35 ruux oo uu ka mid ahaa wasiirkii amniga ee dowladda Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan.

17-kii bishii Siteembar ee sannadkii 2009-kii, kooxdan ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax kale oo laga fuliyay xarunta ciidamada midowga Afrika ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaasi lagu dilay askar ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta.

3-dii bishii Diseembar ee isla sannadkii 2009-kii, 24 ruux oo ay ku jireen 3 wasiir oo ka tirsanaa xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xaflad qalin jabin ah oo arday jaamacadda dhammeysay ay ku lahaayeen hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay weerarkaasi, inkastoo aysan mas’uuliyaddiisa sheeganin. Bishii Luulyo ee sannadkii 2010-kii, Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lala beegsaday goob lagu daawanayay ciyaaraha koobka adduunka ee magaalada Kampala, waxaana halkaas ku dhintay 74 ruux.

Bishii oktoobar ee sannadkii 2011-kii, qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah ayaa lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah wasaaradaha dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaasi na waxaa lagu dilay 139 ruux, halka 93 kalena ay ku dhaawacmeen. Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo ka koobnaa 3 qarax.

Bishii Janaayo ee sannadkii 2011-kii, dagaallameyaal ka tirsan Al Shabaab ayaa dilay sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska oo lagu magacaabi jiray Denis Allex iyo labo askari oo faransiis ah, xilli uu dhicisoobay isku day ay kumaandooska Faransiiska ku doonayeen iney ku soo furtaan sarkaalka oo u afduubnaa Al Shabaab.

Raalli galin

Sida lagu caddeeyay qoraalka ay dowladda Soomaaliya ku faahfaahisay xarigiisa, Mukhtaar Roboow ayaan wali si shaac baxsan khalad ugu tilmaamin falalka lagu qeexay xagjirnimada ee uu horay qeyb uga ahaan jiray, isagoo aan walina raalli galin buuxda shacabka ku siin meel fagaare ah.

Mukhtaar ayaa hadda ka mid ahaa musharraxiinta ugu cad cad ee la filayay iney ku loollamaan doorashada Koonfur Galbeed oo dhowr jeer hore dib u dhac ku yimid, haddana ku wakhtiyeysan 19-ka bishan Diseembar.

Xigasho BBCSOMALI.COM

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -