Afar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Puntland oo bixiyay lacag Waali ah !!

Xalay iyo saakay aroor hore magaalada Garawe waxaa ka socday ololihii ugu xooganaa ee lagu kasbanayay codka Xildhibaanada Maamulka Puntland ee maanta dooranaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi yeelanayo.

Sida aan Wararka ku heleyno qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sameeyay olole aad u xoogan iyaga oo adeegsanayay dhaqaale badan ay ka heleen dhinacyo kala duwan.

Dhaqaalaha ugu badan ee lagu kasbanayo codka Xildhibaanada Puntland waxaa bixiyay afar kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Puntland kuwaa oo la saadaalinayo in midkood uu guuleesn doono.

Musharaxa ugu saameynta badan lana tuhmayo in dowlada federaalka taageereyso Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa bixiyay lacagta ugu badan , waxaana la sheegay in Musharaxan uu bixiyay lacag gaareysa 70-Kun dollar uu siinayay Xildhibaanada.

Waxaa sidoo kale lacag u dhaxeysa 40-kun dollar ilaa 60-Kun Dollar iyana bixinayay Musharaxiinta kala ah Faarax Cali Shire, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Saciid Cabdulaahi Dani.

Afartan Musharax ee sameeyay ololaha xoogan kuna bixiyay lacagta waalida ah ayaa la saadaalinayaa in midkood maanta ku guuleesto Xilka Madaxweynaha maamulka Puntland ee doorashadiisa goordhaw ka bilaabatay magaalada Garawe.

Doorashada maanta  ka ka socota magaalada Garawe ayaa noqoneysa tii ugu xamaasada badneyn kuna baxday dhaqaalaha ugu badan, waxaana doorashadan ku tartamaya 32-Musharax oo ku tartamaya xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -