Shariif Xasan oo kulan sagootin ah la qaatay Wasiirada K/Galbeed, kana dhoofay Baydhabo (Sawirro)

Golaha Wasiirada dowlad goboleedka K/Galbeed ayaa shirkooda caadiga ahaa ku yeeshay  Magaalada Baydhabo.

Waxaa guddoominayay shirkan Sii-hayaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamanka C/qaadir Shariif Sheekhunaa, waxaana ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee  KG Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirka ayaa inta badan looga Hadlay sagootinta Madaxweyihii hore Koonfur Galbeed iyo isku dubaridka xaalada doorashada Madaxweynaha maamulkaas.

Shariif Xasan oo hadal kooban ka jeediyey kulanka ayaa ka dalbaday wasiirada iney iscafiyaan, isagoo kula dardaarmay iney howlaha maamulka si hufnaan leh u gutaan.

Sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha baarlamanka KG C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa sheegay in la dedejinayo doorashada Madaxweynaha cusub.

“Wax gorgortan kama gali doono wax walba oo shacabka iyo degaanada KG dhib u keenaya ee shacabka ha isdejiyaan” ayuu yiri Sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha baarlamanka KG.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa kulankaas ka dib waxaa uu dayuurad gaar ah ka raacay magaalada Baydhabo, iyadoo warar aan la xaqiijina ay ay sheegayaan inuu u dhoofay magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -