Allbanaadir.com
NEWS

Rabshado dhiig uu badan ku daatay oo ka socda Dhaka (Sawiro)

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay Khamiitii shalay, kaddib marki ay isku dhaceen kumannaan arday ah oo ku hubeysnaa ulo iyo dhagxaan iyo ciidamada booliska magaalada Dhaca ee caasimadda dalka Bangladesh.

Rabshadihi shalay ayaa ahaa kuwi ugu khasaaraha badnaa tan iyo marki ay Bangladesh ka billowdeen, mudaaharaadyada ay ardayda uga soo horjeedaan siyaasad ay dowladda soo rogtay oo shaqooyinka dowladda ka bannaan qeyb badan oo ka mid ah siineysa dad gaar ah oo ka mid ah mujtamaca.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in la soo afjaro nidaamka cusub ee kootada shaqada, kaas oo dhigaya in ilaa 30% shaqooyinka dawladda la siiyo qaraabada dadki kasoo dagaallamay dagaalkii madax-bannaanida ee Bangladesh ee sannadkii 1971-kii.

Bannaanbaxyada ayaa xooggooda ka socda jaamacadda caanka ah ee Dhaka. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay tirada dhimashada dadka lagu dilay mudaaharaadka ay gaareen 25 qof.

Related posts

Talo iyo Tusaaleyn siyaasadeed oo ku socota qaarka ka mid musharaxiinta Madaxweyne

Cabdi Cade

Dagaal dhimasho geystay oo caawa ka dhacay Gaalkacyo

Caydiid Ali

Tirada rayidka ku dhintay weerarada Ruushku ka wado Ukraine oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---