Raisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo ku wajahan dal ka tirsan Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi horkacayo ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ka ambabaxo dalka, iyagoo ku sii jeeda magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ujeedada safarka Rooble ayaa lagu sheegay ka qeyb galka shirka Caalamiga ee arrimaha waxbarashada, kaasoo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay madax kala duwan oo Afrika ka socda, heyaddo caalami ah iyo xubno kale.

Madaxda shirkan lagu casuumay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxayna wararku sheegayaan in shirkan looga hadlayo horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalalka soo koraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -