(Sawirro) Wafdi uu horkacayo Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada magaalada.

Farmaajo ayaa ka qeyb galaya wejiga 3aad ee shirka wada tashiga madaxda DF iyo dowlad goboleedyada oo halkaas ka furmaya saacadaha soo socda, kaasoo intiisa badan diirada lagu saarayo arrimaha doorashooyinka oo si weyn loogu kala aragti duwan yahay.

Qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ayaa iyana isla maanta gaaray Dhuusamareebm halka ku harayna la filayo iney illaa beri gaaraan magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -