Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

AMISOM oo War ka soo saartay dhacdo ciidankeedu ku dileen dad shacab ah (Akhriso)

Taliska ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhacdadii shalay ciidamadoodu ku dileen dad shacab ah ka dib qaraxyo lagula eegtay agagaarka isgoyska Ex-control Balcad oo ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM oo rasaas furay qaraxa ka dib ayaa dilay afar qof oo ka mid ahaa shacab goobtaas ka dhowaa halka qaar kale ay dhaawaceen, waxaana falkaas ka carooday shacabka Muqdisho iyadoo dowlada federaalka oo si kulul uga hadashay dhacdadan ay AMISOM ka dalbatay in maxkamad la soo taago askartii ku lugta laheyd.

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayeyt ku sheegtay iney ka walaacsan tahay eedeynta loo jeediyey ciidankooda oo ku saabsan iney ku lug lahaayeen shacab la dilay.

AMISOM waxay sheegtay iney baareyso dhacdadan, ayna aad uga xun yihiin dhibaatada shacabka gaartay, iyagoo tacsi u diray qoysaska dadka geeriyooday.

Qoraalka ka soo baxay AMISOM oo nuqul ka mid ah loo soo diray xafiiska allbanaadir online ayaa u qornaa sidatan:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Xubno ka tirsan Mucaaradka oo ka baxay dalka & Khilaaf soo kala dhex galay Rooble & Guuleed

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre Ubax dhigay taallada SYL ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Guddi baaritaan oo heer sare ah oo loo saaray Wariye caan ah oo lagu dilay Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---