Guddi baaritaan oo heer sare ah oo loo saaray Wariye caan ah oo lagu dilay Kenya

Dalka Kenya waxaa  lagu dilay bishii October ee sannadkan wariye caan ah oo lagu magacaabayay Arshad Sharif, waxaana dilka wariyahan oo u dhashay dalka Pakistan lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen ciidamada booliiska Kenya.

Wariyahan la dilay ayaa caan ka ahaa dalka Pakistan, waxa uuna inta badan wax ka qori jiray aadna u dhaleeceyn jiray ciidamada, waxa uu sidoo kale baaritaano ku sameyn jiray musuqmaasuqa iyo dambiyada.

Dilka wariyahan ayaana carro xooggan ka dhalisay gudaha Pakistan, waxa ayna shacabka dalkaasi oo tuhmaya in dilkan la abaabulay ka dalbadeen dowladda in lagu sameeyo baaritaano qoto dheer.

Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa u magacawday guddi ka kooban shan garsoore si ay u kormeeraan baaritaanka lagu hayo dilka wariyaha, waxaana guddiga baaritaanka hoggaamin doona guddoomiyaha maxkamadda sare Umar Atta Bandyal.

Ciidamada booliiska dalka Kenya oo ka dambeeyay dilka loo geestay Arshad Sharif, ayaa sheegay in dilka wariyahan lagu qaldamay, waxa ayna booliiska sheegeen in ay socdaan baaritaano dilkan ku aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -