Allbanaadir.com
NEWS

Madax katirsan Jubbaland iyo Saraakiil Itoobiyaan ah oo xal raadinaya (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa degmada Luuq ee gobolka Gedo kulan kula yeeshay Taliyaha qeybta saddexaad ee howlgalka ATMIS Besfat Fente iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka ATMIS.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada amniga, howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Luuq, kaa oo dhaliyay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxda ka socota maamulka Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS , ayaa Luuq u tagay sidii loo xallin lahaa dagaal dhiig badan ku daatay oo ka dhacay degmada Luuq.

Related posts

Erdogan oo shuruud kale oo adag ku xiray dalabka Sweden ee ku biirista NATO

Caydiid Ali

Dhisme Cusub oo lagu soo Kordhinayo Bangiga Dhexe ee Puntland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada : Xudur oo looga diyaar garoobay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade
Taboola Ads ---