Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Erdogan oo shuruud kale oo adag ku xiray dalabka Sweden ee ku biirista NATO

Madaxweynaha Turkiga ayaa shuruud cusub ku xiray inuu ogolaado dalabka Sweden ku dooneyso iney ku biirto NATO.

Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu taageeri doono qorshaha ay Sweden ku dooneyso inay kaga mid noqoto NATO haddii Midowga Yurub uu furo wadahadalka xubinimada dalkiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka digay inaan cidna ka sugin inuu tanaasul ka sameeyo dadaalka Sweden ee ku biirista NATO.

Gelinka dambe ee isniinta ayaa lagu wadaa inuu wadahadal la yeesho ra’iisul Wasaaraha Sweden hase ahaatee wadahadalkaas lama filayo iney ka soo baxaan natiijooyin xal looga gaarayo arrintan.

Erdogan ayaa is hortaagay codsiga Sweden ee NATO tan iyo sanadkii hore. Waxa uu ka cabanayaa inay ku guul darreysatay in ay wax ka qabato maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee lagu tuhmayo inay ku nool yihiin Sweden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada oo baaq ka dhan ah Itoobiya ah u dirtay dadka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Soomaaliya oo la sheegay inay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag (Sawirro)

Caydiid Ali

K/Kuuriya oo War cusub ka soo saartay waxa ka jira geerida Kim Jong Un

Caydiid Ali
Taboola Ads ---