Akhriso: Qoraalkii iscasilaada Shariif Xasan & Xog hoose oo laga helay sababaha uu isku casilay

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan sababaha keenay inuu xilka iska casilo Madaxweynihii Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sidoo kale shaaciyey inuusan u tartameynin doorashada madaxaweynaha maamulkaas.

Qoraal ka soo baxay Shariif Xasan ayuu ku sheegay inuu go’aankaas qaatay isagoo eegaya danaha maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulkaas ku abtirsada.

Hase ahaatee dad badan ayaa aaminsan in iscasilaada Shariif Xasan oo ah siyaasi hal adag xeelado badana adeegsada aysan ku iman si fudud.

Warar aan la xaqiijin oo laga helayo ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu dowlada ka qaatay lacag aan cadadeeda la sheegin si uu xilka uga dego.

Ilo wareedyo kale ayaa iyana sheegaya in ciidamada Itoobiya ee jooga Baydhabo ay ka qeyb qaateen cadaadis Shariifka lagu saaray inuu kursiga baneeyo ka dib xiriir dhexmaray dowladaha Somalia iyo Itoobiya.

Hoos ka akhriso qoraalka uu Shariif Xasan ku shaaciyey iscasilaadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -