Allbanaadir.com
NEWS

DF oo xilka ka qaaday Taliyihii ciidanka Danab ee Kismaayo

Dowlada Dhexe ee Federaalka Somalia ayaa xilka ka qaaday Taliyihii ciidanka Danab ee magaalada Kismaayo. Taliye Carab Dheeg

Taliyaha ayaa dhowaan sheegay in darajooyin ciidan oo marar badan ay codsadeen loo diiday. Taasi badalkeedana ay dowlada dalacsiin u samaysay isbuucan dhexdiisa askar badan oo daraawiishta Jubbaland ee Raaskambooni laga qaaday.

Dowlada federaalka ayaa ka carootay hadalka taliyaha ka dibna ku sameysay xilka ka qaadis sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaya xili khilaaf xoogan uu kala dhex aloosan yahay dowlada Somalia iyo maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed  Madoobe kaasoo marba marka ka dambeysa circa isku sii shareeraya.

Ciidanka Danab waxaa si qaas ah u tababara gacantana kuhaya Dowlada Maraykanka. balse nidaam ahaan waxay hoostagaan Taliska Gaashaandhiga Dowlada Dhexe ee Federaalka.

Related posts

Raisul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Oslo

Cabdi Cade

Shacabka Boosaaso oo si aan caadi aheyn u soo dhoweeyey Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Morocco oo dacwad culus u gudbisay Xiriirka Kubbada cagta Adduunka ee FIFA (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---