Madaxweyne Biixi & Wafdi uu horkacayo oo u ambabaxay Addis ababa (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta u ambabaxay dalka Itoobiya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa inta uu safarkiisa ku gudo jiro waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed iyo xubno kamid ah dawladdiisa.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) ayaa ka hadlay ujeedada safarka Madaxweyne Biixi.

“Madaxweynuhu waxa uu casuumad rasmi ah ka helay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana ay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa u tegayaan inay ka wada-hadlaan danaha iyo xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya” ayuu yiri wasiirka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay ineysan jirin masuuliyiin dalal kale oo Madaxweyne biixi u qorshaysan inuu kula kulmo dalka Itoobiya.

Balse Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Addis ababa ay kulan ku yeelan doonaan Madaxweynaha Farmaajo oo ku sugan Jabuuti kuna wajahan Addis ababa iyo Madaxweyne Biixi, waxaana kulankan garwadeen ka ah Raisul Wasaaraha Itoobiya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -