Shariif Xasan oo goordhaw Wariyaasha isugu yeeray iyo Warar kala duwan oo…

Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw looga yeeray Wariyaasha ka howlgala magaalada Baydhabo, waxaana la filayaa in Madaxweyne Shariif Xasan halkaasi kula hadlo Wariyaasha.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Shirka jaraa’id ee la filayo in Madaxweynaha Koonfur Galbeed u qabto Warbaahinta, waxaana wararka qaar sheegayaan in laga yaabo in uu is casilo halka warar kalana sheegayaan in Shariif Xasan shaacin doono in uu tartami doono.

Shariif Xasan ayaa warar horey usoo baxay waxa ay sheegayeen in uu ka tanaasulayo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed kadib cadaadis xoogan uu kala kulmay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa hada waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed, waxaana magaalada ku sugan Musharaxiin badan oo ku tartamaya Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo laga cabsi qabo in dib u dhac ku yimaado xiligii horey loo qorsheeyay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo inta badan lumiyay kalsoonida Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa taageeraya ka helaya Isbaheysiga Maamul goboleedyada, halka musharaxiinta la tartameysa qaarkoodna taageero ka helayaan Dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -