Shir goordhaw u furmay Wasiirada Amniga Maamul goboleedyada (Daawo Sawirada)

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG  maamulka Jubbaland waxaa goordhaw ka furmay Shirka Wadatashiga Wasiirada Amniga iyo Taliyaasha ciidamada Nabad sugida maamul goboleedyada dalka.

Shirkan waxaa furay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana shirkan ka qeyb galaya Wasiirada Amniga iyo Taliyaasha Nabad sugida Maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed ,Galmudug iyo Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in Wasiirada wadatashi iyo qiimeyn ku sameyn doonaan xaalada amaan ee maamulada kadibna ay go’aan ka gaari doonaan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in dowlada Federaalka Soomaaliya ku fashilantay amniga iyo dhismaha ciidanka Qaranka, waxa uuna sheegay in Dowlada waqti ku bixisay bur burinta iyo carqaladeynta maamulada.

Shirkan maanta ka furmay magaalada Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee yeeshaan Wasiirada Amniga maamul goboleedyada, waxaana shirkan uu imaanayaa xili maamul goboleedyada afrata ah ku heshiiyeen in ay sameestaan ciidamo isku dhaf ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -