Kusimaha madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha golaha shacabka eeĀ Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay gudaha xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad.
Aadan Madoobe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada askartii ku geeriyooday qaraxa, waxa uu sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyay askartii kale ee qaraxa dhaawacyada kala duwan uu kasoo gaaray.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid fuleynimo leh oo diinta ka fog, waxa uuna sheegay in ciidankan oo qaranka howl adag u hayay uu dhax galay nin naftiis halige diin laawe ah uuna nolosha dhaafiyay.
Waxa uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe in xerada qaraxa uu ka dhacay aysan aheyn mid sahlan in la iska tago oo la iska galo, waxa uuna shaki ka muujiyay in qaraxaasi loo fududeeyay ninkii isku dhax qarxiyay ciidanka.
Aada Madoobe ayaa sheegay in masuuliyad darro weyn ay ka dhacday xerada qaraxa ka dhacay, waxa uuna sheegay in khaa’imiin ciidanka ka tirsan in uu uga shakisan yahay in weerarkaasi fududeeyeen.
”Khaa’imiin in weerarka fududeeyeen shaki weyn ayaa iiga jira, wax loo dulqaan karo maahan waxii dhacay, ciidan marka ay cusub yihiin waxaa dhici karta in argagaxisada ay kusoo dhax darsan karaan shardawadayaal, balse ciidan aan cusboon oo hal guuto u badnaa ahaana kuwa inta badan is yaqaano suurto-gal maahan qof inta iska soo dhax galo is qarxiyo arrintaas shaki weyn ayey abuurtay ” Ayuu yiri Aadan Madoobe.
Ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa amray saraakiisha ciidamada amniga qaabishan ee daacada in weerarkii shalay baaritaan dhab ah lagu sameeyo lana soo qabto dambiilayaasha ciidanka qaranka ku dhax jira.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in aan la aqbali karin in ciidamada qalbiga laga jabiyo ayna dhacdo inta la iska soo dhax galo la isku qarxiyo, waxa uuna faray saraakiisha amniga in si deg deg ah u qaadaan tallaabooyin lagu soo qabanayo kuwii weerarka fududeeyay.
Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad waxaa ku naf waayay in ka badan 25 askari oo u badnaa, kuwa laga keenay magaalada Marka kana soo jeeday hal beel.