Xildhibaanadii Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Muqdisho oo maanta ku laabtay Baydhabo

Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Xildhibaanadan ayaa intii ee Muqdisho joogeen waxaa la dejiyay Hoteelo gaar ah, waxa ayna Xildhibaanadan kulamo kala duwan la qaateen Madax katirsan dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaanada ku laabtay magaalada Baydhabo u badnaayeen kuwa kasoo horjeeda Siyaasad ahaan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanadan ayaa intii ay joogeen magaalada Muqdisho waxaa la sheegay in la siiyay lacago lagu kasbanayay codkooda, waxaana Xildhibaanadan farta loogu fiiqay in ay doortaan shaqsi ay si gaar ah u rabto Dowlada Federaalka.

Magaalada Baydhabo waxaa xiligan ka jira xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada la filayo in ay ka dhacdo, waxaana jirta cabsi laga qabo in ay dib u dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu waday in ay dhacdo 17-ka bishan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -