Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday Maraykanka & Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalo ku taalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka ka dib markii qof hubeysan uu rasaas ku furay dhismaha Gole Madadaallo.

Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Jacksonville ee gobolka Florida  sida uu sheegay Booliska magaaladaasi.

Sarkaal Boolis ayaa u sheegay dadka degaankaasi inay guryahooda ku ekaadaan, iyadoo dad 10 gaaraya ay dhaawacmeen, waxayna wararkii ugu horeeyay ee dhacdadan ka soo baxay sheegayaan in qofka weerarka geystay uu dhintay.

Tacshiirad fara badan ayaa goobta laga maqlay xilli uu socday bandhig video game lagu tartamayo oo si toos ah loo daawan lahaa degaanka Jacksonville. Waxaa laga cabsi qabaa inay dadka weerarka ku dhintay ay sii kordhaan.

.Qof kale oo laga shakisan yahay inuu hubeysan yahay ayay Boolisku sheegeen inay raadinayaan, waxaana gebi ahaan la xiray goobta falku ka dhacay, iyadoo dadkii ku jirayna laga saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -