Allbanaadir.com
NEWS

Saldhig ciidanka ATMIS ku leeyihiin degaanka Danow oo la weeraray

Dagaal ayaa ka dhacay degaanka Danow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee kamid ah howlgalka ATMIS & xoogaga Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Uganda ee degaanka Danow, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in ay si weyn u maqlayeen dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayey,

Dadka degaanka ayaa sidoo kale waxaay sheegeen in Ciidamada Uganda intii uu socday dagaalka ay tiro madaafiic ah ku tuurayeen dhinaca laga soo weeraray, balse aan weli la sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicda.

Saraakiisha Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hase yeeshee inta badan weerarada noocaan oo kale ah ayaa ka dhacaa degaannada ay Gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin Ciidamada dowladda & kuwa howlgalka ATMIS.

lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan Xaaladda degaanka Danow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah saaka mid degan

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil Muqdisho loogu geestay Xildhibaan hore

Cabdi Cade

Shiinaha oo qaaday talaabooyin caro leh oo ka dhan ah dowlada Mareykanka

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump & dhigiisa Kim John un oo mar kale kulmaya

Caydiid Ali