RW Conte oo khadka telefanka kula soo xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte oo xiriir dhanka telefoonka ah lasoo sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay sanad guurada 60-aad ee 1-da Luuliyo.

Giuseppe Conte wuxuu salaan uga siday Madaxweynaha dalkaas Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella, Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu uga mahad celiyay madaxdaasi sida ay xiriirka ula soo sameeyeen, isla markaana ay la qeybsadeen hambalyada xuska todoobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Marka laga soo tago dalka Talyaaniga waxaa jira madaxda wadamo badan oo caalamka ka mid ah, kuwaasoo u soo hambalyeeyey Soomaaliya oo u dabaaldegtay sanadguuradeedii 60-aad ee xoriyadda iyo midnimada dalka, waxaana ka mid ah Midowga Afrika, Carabta, sida Boqortooyada Sacuudiga, Qatar, Baxreyn, Falastiin, Turkiga, Shiinaha, Mareykanka iyo hogaamiyeyaasha dalal kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -