Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiro lagu eedeeyey iney sixir ku heysteen Madaxweynahooda oo la xirxiray

Booliiska dalka Maldives, ayaa xiray labo wasiir oo awood badnaa, muddo dheerna la shaqeynayay madaxweynaha Maldives, Maxamed Muizzu

Waxaa lagu eedeeyay inay sixirka madow ku sameeyeen Madaxweynaha si ay danahooda gaarka ah uga fushadaan

Shamnaz Saleem, oo ahayd wasiiru-dawlaha wasaaradda deegaanka, ninkeedii hore Adam Rameez, oo wasiir ka ahaa madaxtooyadda iyo laba qof oo kale ayay Booliiska xabsiga u taxaabeen, sababo la xiriira inay sixir ku haysteen madaxweynaha.

Labada Wasiir ee la xiray , waxaa loo arkayay shaqsiyaadka ugu dhow ee madaxweynaha , waxayna la shaqeynayeen oo ay jagooyin sare qabteen intii uu ahaa guddoomiyaha caasimadda Maldives ee Male.

 

 

Related posts

Dowlad Yurub katirsan oo Soomaaliya ka caawineysa sida amniga loo ilaaliyo

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo boqolaal shacab ah Salaada ciida kula tukaday Hargeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo eedeymo kulul u jeediyey Tedros Adhanom & hey’adiisa WHO

Caydiid Ali
Taboola Ads ---