Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay howlgal lagu dilay Xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hadlay howlgal ciidamada Xoogga Dalka, ciidamada Daraawiishta GalmudugĀ  ku dileen deegaanka Ceel-qaboobe oo ka tirsan Gobolka Mudug .

Qoor Qoor ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ee la weeraray ay isku diyaarinayeen weerar ay kusoo qaadaan ciidanka huwanta ee ku sugan farriisimo kuyaalla gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa yiri ā€œ Waxaa mahadsan Allaah oo ciidanka iyo bulshada deegaanka haleeshiiyay guul muhiim ah, waxaa ammaan mudan bulshada deegaanka sida ay mar walba uga dhiidhiyaan in aragagxisadu adeegsato dhulkooda, diidmadaas argagaxisda dhaxalsiiyay jabkaan iyo kuwa la mid ahaabaā€

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada huwanta xalay ayaa lagu gubay gaari weyn ay wateen Al Shabaab ,waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya sheegtay in howlgalkan lagu dilay 60 dagaalyahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Dugsiyada sare ee Sweden iyo xaflad loo dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin Madow ah oo si arxan daro ah loogu dilay Mareykanka iyo askartii dishay oo la ruqseeyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo guddoomiyay Shirka Amniga Qaranka oo arrimo xasaasi ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---