Xiisad caawa ka taagan Baydhabo & Shariif Xasan oo kulan xasaasi ah la qaatay..

Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Maamulka Koonfur galbeed Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa caawa kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkiisa.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka qaar ka mid ah Malaaqyada beelaha Koonfur Galbeed qaarkood iyo waxgarad kale oo taageersan Shariifka.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii caawa ay is wada casileen inta badan guddigii doorashada Maamulka Koonfur galbeed oo ay ku jiraan masuuliyiintii guddigaas.

Si rasmi ah looma oga waxyaabaha kulanka looga hadlay balse warar lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow ayaa sheegaya in la isla soo qaaday xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Koonfur galbeed iyo doorashada soo fool leh.

Warar aan la xaqiijin balse si weyn isu soo taraya ayaa sheegaya in Shariif Xasan oo isku dayay inuu ka dhaadhiciyo gudoomiyahiisa Baarlamanka inuu is casilo inkastoo aan la ogeyn inuu aqbali doono.

Xubno ku dhow Shariif Xasan ayaa sheegaya in qorshaha Shariifku uu yahay inuu dhabar jebiyo ololaha isaga ka dhanka ah ee dowladu wado, wuxuuna la soo baxay xeeladihii siyaasadeed ee lagu yaqiinay marka ay xaaladu ku cakiranto.

Guud ahaan Qorshahan ayaa salka ku haya inay dib u dhacdo doorashada K/Galbeed, kadibna ay xaaladu is bedesho, iyadoo cabsi weyn laga qabay inuu doorashada ku guuldarreysto Shariifka oo qorsheynayey inuu ka haro doorashada, taasoo haddii aysan dhicin keeni karta khalkhal soo wajaha Doorashada.

In ka badan kala bar xubnaha Guddiga Doorashada oo ay ku jiraan madaxdii Guddiga ayaa is casilay, taasoo dhalineysa xaalad hubanti la’aan ah oo doorashada soo wajahda, waxaana laga cabsi qabaa iney hakad gasho doorashada Taasoo horseedi karTa xiisad siyaasadeed iyo mid amni.

Dad badan ayaa la yaabay sida Shariif Xasan uu iscasilaada guddigii doorashada uga dhigtay hub uu ku dagaal galo taasoo ugu yaraan ka saacidaysa inuu dib u dhigo doorashada, kana nafiso go’doonka siyaasadeed ee ay gelisay dowlada federaalka.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray Baydhabo ayaa sheegaya in kulankii Shariif Xasan iyo gudoomiyihiisa baarlamanka lagu go’aamiyey in beri subax magaalada Baydhabo laagu qabto banaanbax looga soo horjeedo dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -