Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWSXULKA

Kalluumayste dhacdo yaab leh la kulmay & Warbaahinta caalamka oo hadal heysa (Daawo Sawirro)

Nin ka mid ahaa Kalluumaystada reer New Zealand ah ayaa badda ka soo badbaadiyay wiil 18 bilood jira, arrintaas loo lagu tilmaamay mucjiso mar la arag ah.

Gus Hutt oo ku sugnaa xeebta Matata Beach ayaa isaga oo kalluumaysanaya arkay wax yar oo biyaha dul heehaabaya.

Wuxuu markii hore u qaatay boonbale markii uu oohin maqlay ayayse u caddaatay inuu ilmo yar yahay.

Wiilka yar ayaa ka soo baxsaday teendho uu waalidkii kula sugnaa badda ayuuna ku soo dhacay.

“Boonbale ayaan u qaatay, xataa markaan gaaray meeshii uu biyaha kaga sugnaa een qabtay gacantiisa, wali boombale ayuu ila sii ahaa, ayuu yiri Hutt oo la hadlay warbaahinta.

Ilmaha yar oo haatan lagu wareejiyey waalidiintii dhalay ayaa xaaladiisu aad u fiican tahay, waxaana dhacdadan si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

DF oo wafdi u dirtay Magaalo uu ka dilaacay cudur halis ah oo dad badan dilay (Sawirro)

Caydiid Ali

Khilaaf ka taagan cida sugeysa amaanka Madaxtooyada Galmudug oo shir ka dhacayo

Cabdi Cade

Sidee Ku Dhacday Xulashada 213 Xildhibaan, Kuwa Soo Noqday iyo Qaarka Baxay, Yeyse Taageeraan?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---