Maxay ka dhigan tahay iscasilaada guddigii doorashooyinka Maamulka K/Galbeed?

Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ku-xigeenkiisii iyo inta badan xubnihii guddigaas ayaa iska casilay xilka ka dib shir jaraaid oo ay caawa ku qabteen magaalada Baydhabo.

.Guddoomiyaha Guddiga Carfo Ibraahim Aadan is casilaadan lagu micneeyay inay ka dambeysay cabasho ku saabsan faragelin lagu hayo doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo loo qorsheeyay inay dhacdo 17-ka bishan Novembar.

Talaabadan ayaa ka dambeysay iyadoo maanta ay guddiga bilaabeen diiwaangelinta musharixiinta, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey warar ku saabsan in Shariif Xasan uu ka tanaasulayo tartanka doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed taasoo aan weli la xaqiijin.

Iscasilaada madaxdii guddiga doorashooyinka oo aheyd mid lama filaan ah oo ku cusub maamul goboleedyada ayaa meesha ka saareysa iney xiligii loogu talo galay qabsoonto doorashada hogaanka maamulkaas.

Madaxweynaha K/Galbeed ee waqtigiisu dhamaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay inuu gadaal ka riixayo iscasilaada guddigan oo markii horeba uu isagu magacaabay.

Shariifka oo ah siyaasi xeelado badan  ayaa la aaminsan yahay inuu talaabadan u qaaday sidii uu dib ugu dhigi lahaa doorashada si uu waqti ugu helo inuu is abaabulo, dhinaca kalena waqtiga uga lumiyo ragga la loolamaya.

Dadka indha-indheeya siyaasada Koonfur galbeed ayaa sheegaya in arrintan ay dhabarjab ku tahay musharaxiinta lagu xamanayey iney taageereysay dowlada federaalka iyo kuwo kale ee ku sugan Baydhabo oo aan xamili Karin dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -