Xubno kale oo iska casilay guddiga doorashada Maamulka K/Galbeed

Guddoomiye ku-xigeenkii guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed Mahad Mohamed Ciise ayaa ku dhawaaqay inuu iscasilay.

Talaabadan oo nah mid ku cusub siyaasada dalka ayaa timid markii wax yar ka hor uu sidoo kale is casilay Guddoomiyihii guddiga doorashada.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu sidoo kale iscasilay Xildhibaan Xasan Black oo ka mid ahaa Xubnaha Guddiga doorashada Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo ka tirsanaa guddigaas.

Xubnahan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in sababaha ay isku casileen ay tahay faragelin ay kala kulmeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iscasilaada guddigii doorashooyinka Koonfur galbeed uu ka dambeeyo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Koonfur galbeed.

Guddiga doorashooyinka Koonfur galbeed oo ka koobnaa 27 xubnood ayaa iscasilay ugu yaraan 15 ka mid ah oo ay ku jiraan guddoomiyaha guddiga iyo ku-xigeenkiisii

Maamulka koonfur galbeed ayaa muuqda inuu lugaha la sii galayo fowdo siyaasadeed xili labo todobaad ay ka harsan tahay doorashada madaxaweynaha Maamulkaas, waxayna talaabadan keeneysaa dib u dhac ku yimaada doorashada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -