Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Puntland oo maanta la daahfuray (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta si rasmi u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.

17, 735 (Todobiyo Tobankun, Todoba Boqol Sodon iyo Shan) Arday ayaa imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad Dugsiyeedka 2020/2021 u fariistay,  5,708 (Shankun Todoba Boqol iyo Sideed) ka mida waxay u fariisanayaan Dugsiyada Sare, halka  12, 027 (Labiyo Toban Kun, Labaatan iyo Todoba ) arday ay u fariisanayaan Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Dowladda Puntland, 132 goobood ayaa looga fariistay Imtixaanka.

Celceliska korarka sannadlaha ah ee ardayda u farisaneysa imtixaanka 2021, Fasalka Afraad (F4) Gabdhaha: 6%, Wiilasha : 4%, Galaaska Sideedaad (G8): Gabdhaha: 9%, Wiilasha: 6%. Sida ku cad warbixinta

ka qayb-galka gabdhaha ee Waxbarashadu waxay ka boqolay badan yihiin kan wiilasha, Taasna waxaa sahashey juhdi Dowladda Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay gelisey sidii habluhu qayb uga noqon lahaayeen Waxbarashada.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, gaar ahaan Xafiiska Imtixaanaadka juhdiga ay geliyaan qabsoomidda, si habsamileh  imtixaanaadka Puntland sanad walba.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Alle ugu baryey inuu imtixaanka u fududeeyo Ardayda Puntland ee maanta u fariistay Imtixaanaadka.

Puntland ayaa sanad walba ardayda wax ka bartay degaanadeeda gelisa imtixaan u gaar ah oo ka duwan kan ay diyaariso Wasaarada Waxbarashada DF oo ay ka qeyb galaan ardayda wax ka barta dowlad goboleedyada kale, waxayna arrintani sanado badan khilaaf ka dhex dhalisay DF & Puntland kaasoo sababay in ardayda Puntland loo diido shahaadada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -