Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo arrin cusub ku kordhisay dekeda Magaalada Kismaayo? (Sawirro)

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo uu weheliyo Maareeyaha Dekedda Kismaayo  Axmed Xaaji Aadan Guuleed ayaa maanta xarigga kajaray kambaniga Somlink iyo Markabkooda Sahra1 oo ah Markab qaada kunteenarada badeecadaha kala duwan lagu soo qaado kaas oo hadda wixii ka dambeeya Dekedda Kismaayo ka shaqo bilaabaya.

Munaasabadda daah-furka bilaabidda howlaha shaqo ee Somlink iyo Markabka Sahra1 waxaa kaso qeyb galay qeybaha kala duwan ee Shaqaalaha Dekedda Kismaayo iyo xubno kasocday ganacsatada deegaanada Jubbaland gaar ahaan degmada Kismaayo.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad xariga looga jarayay Kambaniga Somlink iyo Markabka Sahra1 oo ay leeyihiin ayaa sheegay in ganacsiga Jubbaland uu yahay mid xor ah, Dowladana ay soo dhaweynayso horumarinta adeegyada ganacsi ee kasocda Dekedda Kismaayo

Related posts

Dilal caawa ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilalkaasi

Cabdi Cade

Somaliland oo xabsi dhigtay nin dhaliili jira Ismaaciil Geelle iyo Digniin maamulka loo diray

Cabdi Cade

Mas’uuliyiin ka tirsan Warbaahinta dowlada oo ku dhaawacmay qaraxii caawa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---