Somaliland oo xabsi dhigtay nin dhaliili jira Ismaaciil Geelle iyo Digniin maamulka loo diray

Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaa xabsi kuyaala magaalada Gabiley dhigay nin u dhashay dalka Jabuuti oo si weyn u dhaliila siyaasadda iyo hab maamulka Madaxweynaha dalka Jabnuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Aare Saleebaan Cowleed oo kasoo cararay dalka Jabuuti ayaa baraha bulshada si weyn ugu dhaliili jiray Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaana ninkan hada lagu hayaa xabsi kuyaalla Gabiley, iyadoona laga cabsi qabo in Jabuuti loo gacan geliyo.

Masuul katirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo lagu magacaabo Xamse Khayre ayaa xaqiijiyay xariga ninkan u dhashay dalka Jabuuti, waxaana masuulkan sheegay in xabsiga ku booqaday Aare ayna jirin wararka sheegaya in Jabuuti loo gacan geliyay.

”Waxaan soo xaqiijinay in ninkaa gacanta Somaliland iyo saldhigga dhexe ee degmada Gabilay, ku jiro oo aan melena loo qaadin iminka sharcigeenuna ma oggala, waxaana uga digayaa maamulka in ninkaasi gacan geliyaan” ayuu yiri Xamza.

Xarunta madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa ka digtay in maxbuuskan ku xiran xabsiga Gabiley loo gacan geliyo dowladda Jabuuti ,waxa ayna xaruntan sheegtay in uga digeyso maamulka in ay ku kacaan fal lamid ah kii dhacay sannadkii 2014-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -