Mas’uuliyiin ka tirsan Warbaahinta dowlada oo ku dhaawacmay qaraxii caawa

Sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray masuuliyiin ka tirsan wasaarada warfaafinta Somalia ayaa ku dhaawacmay qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Agaasimihii Idaacada  ku hadasha codka dowlada ee radio Muqdisho C/casiis Afrika iyo madaxii TV-ga Qaranka Sharmaarke ayaa la soo sheegayaa iney ku dhaawacmen qaraxa.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in labada masuul ay la socdeen gaari ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo maqaahi ku taalla agagaarka Wasaarada amniga DF.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca C/casiis Afrika uu yahay mid aad u culus, loolana cararay goobaha caafimaadka, waxaa kale oo jira dad badan oo dhiimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -