Dilal caawa ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilalkaasi

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa siyaabo kala duwan waxa ay dilal uga geesteen xaafado katirsan degmooyinka Shibis iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka hore ayaa ka dhacay degmada Shibis gaar ahaan Agagaarka Masaajidka Dhagaweyne oo u dhow Isgoyska Maana Booliyo , waxaana goobtaasi lagu dilay nin la sheegay in uu katirsanaa ciidanka dowlada.

Ragii hubeesnaa ee dilka geestay ayaa si nabad galyo ah uga baxsaday goobtaasi, waxaana halka dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay xaafada dilku ka dhacay.

Dhinaca kale kooxo hubeesan ayaa caawa dil u geestay nin la sheegay in uu kamid ahaa Ururka Dhalinyarada degmada Dayniile, waxaana dilka wiilkan oo lagu magacaabayay Saacid Daahir Xolob uu ka dhacay Xaafada Gubta gaar ahaan garoon uu kubad ku ciyaaray.

Dableydii dilka u geestay ninkan dhalinyarada ahaa ayaa iyagana goobta ka baxsaday, waxaana ciidamo katirsan booliiska oo gaaray goobta dilku ka dhacay ku guul dareesteen in ay soo qabtaan ragii dilkaasi ka dambeeyay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilalka caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa ayna Al Shabaab sheegeen labadan ruux ay dileen in ay kamid ahaayeen ciidanka dowlada Soomaaliya.

Dilalka qorsheesan ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan imaanayaan xili magaalada lagu daadiyay ciidamo cusub oo booliis ah oo loogu tala galay xaqiijinta amaanka caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -